Wasiirka kaluumaysiga Jubbaland oo la kulmay jaaliyada Jubbaland ee Mombasa

50

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Dowladda Jubaland, Axmed Xasan Cumar, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa Maanta magaalada Mombasa ee dalka Kenya kula kulmay jaaliyadda Jubaland ee ku nool magaaladaasi.
Kulankan waxaa looga hadlay sidii ganacsatada jaaliyadda ay u maalgashan lahaayeen kaluumaysiga iyo wax-soo-saarka xeebaha Jubaland.

Wasiir Axmed Xasan Cumar ayaa sheegay in kaluumaysiga xeebaha Jubaland uu yahay fursad ganacsi oo muhiim ah, isla markaana ay tahay in shacabka Jubaland ay ka faa’iidaystaan. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in dowladda Jubaland ay diyaar u tahay inay taageero buuxda siiso dadka iyo ganacsatada doonaya inay ka qayb qaataan horumarinta kaluumaysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah ee Jubaland.

Ugu dambeyntii, jaaliyadda Jubaland ee ku sugan Mombasa ayaa u mahadcelisay waftiga Wasiirka booqashadooda, waxayna balanqaadeen in xirfadooda kaluumaysi ay ka faa’iidaysan doonaan shacabka Jubaland, isla markaana ay ka qayb qaadan doonaan horumarinta dhaqaalaha gobolka.