Ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo ka taciyadayeey Nabadoon Shire Dhallahoow Nuuray geerida

48

Ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska iyo eheladii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Nabadoon Shire Dhallahoow Nuur, oo ku geeriyooday degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa Nabadoon muddo dheer u soo shaqeeyay dalka, isla markaana uu caan ku ahaa wadani-nimo, howlkarnimo iyo in uu door ka qaatay horumarinta bulshada iyo nabadaynta dadka dhexdiisa .
Waxa uu sidoo kale xusay in Marxuumka uu xilligii kacaanka noqday duqa degmada Doolow, waxaana la qorsheynayaa in loosoo qaado oo degmada Doolow lagu aaso.