Dhir Beeris Lagu Sameeyay Xabsiga Cusub ee Kismaayo uu yeelaanayo si loo Horumariyo bilicda xabsiga .

24
Xabsiga Cusub ee Magaalada Kismaayo oo Maanta Dhir Beeris Lagu Sameeyay
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Mudane Cabdiweli Xuseen Jaamac, oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Jubbaland caydiid sulaymaan Xaaji, ayaa maanta booqasho iyo dhir beeris ku tagay xabsiga cusub ee magaalada Kismaayo.
Ayadoo meel gabagabo ah uu maraayo xabsiga cusub ee magaalada Kismaayo ay ka hirgalainayso Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, ayaa maanta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Jubbaland iyo Wasaaradda Cadaaladda oo is garab sanaya ku sameeyeen dhir beeris si xabsiga uu u noqdo deegaan cagaaran oo dhir leh.
Markii ay dhir beerista dhammeeyeen, labada wasiir ayaa indha-indheyn ku sameeyay dhammaan qeybaha uu xabsigu ka kooban yahay. Intii uu kormeerku socday, waxay qiimeeyeen heerka dhismaha iyo diyaargarowga lagu wado in xabsigu u noqdo xarun casri ah oo daboolaysa shuruudaha iyo baahiyaha muhiimka ah ee loogu talagalay. Waxa kale oo ay bogaadiyeen dadaalka socda ee lagu horumarinayo bilicda iyo tayada xarunta.