Shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya gudaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay joojinayaan dhammaan duulimaadyada gudaha iyo dibadda laga bilaabo berri, oo ah Arbaco, kuna beegan 22-ka Janaayo 2025.
Go’aankan ayaa ka dhashay cabasho xooggan oo ka timid shirkadaha diyaaradaha, kuwaas oo lagu soo rogay lacago dheeraad ah oo aysan horay u bixin jirin, taasoo ay ku tilmaameen culeys dhaqaale oo saameynaya shaqadooda.
In ka badan 20 shirkadood ayaa isku raacay joojinta duulimaadyada, taasoo si weyn u saamayn doonta boqolaal rakaab ah oo qorsheynayay inay dalka Soomaaliya soo galaan ama ka dhoofaan.
Go’aankan ayaa sidoo kale dhibaato ku noqon doona ganacsiyada ku tiirsan adeegyada duulista, iyadoo la filayo in saameyntiisa ay si weyn u dareemaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhaqaalaha dalka.
Shirkadaha diyaaradaha ayaa eed dusha uga tuuray Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, iyagoo ku tilmaamay in ay ku adkaatay la shaqeynta hay’adahan sababo la xiriira maamul xumo iyo musuqmaasuq baahsan.
Arrintan ayaa si gaar ah u muujineysa heerka uu gaaray musuqmaasuqa ka jira dowladda hadda talada haysa, taasoo lumisay kalsoonida shacabka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.