Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Jubbaland oo Kismaayo Ku Qabtay Kulanka ku saabsan Siyaasadda Qiimeynta iyo Dabagalka Dowladda jubbaland

35
Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulan muhiim ah oo ay ka soo qeyb galeen howl-wadeeno ka kala socday wasaaradaha Jubbaland.
Kulankan, oo diiradda lagu saaray ansixinta iyo soo bandhigidda siyaasadda qiimeynta iyo dabagalka Dowladda Jubbaland, ayaa ujeeddadiisu ahayd in la dhiso habraac mideysan oo lagu kobcinayo hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Intii uu kulanku socday, dhammaan ka qaybgalayaashii ayaa fursad loo siiyay inay si qoto dheer uga doodaan ajandaha shirka, isla markaana ay talooyinkooda iyo fikradahooda ku biiriyaan qorshaha.
Cabdiraxmaan Xasan Cowf, Agaasimaha Maamulka, Maaliyadda iyo Shaqaalaha, oo ah Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa shirkan si rasmi ah u furay. Wuxuu faahfaahin ka bixiyay ajandaha kulanka iyo muhiimadda ay siyaasadda qiimeynta iyo dabagalka ugu leedahay horumarinta maamulka