Mid ka mid beelaha dega Jubbaland oo raalin ka bixiyey hadal ka soo yeeray qaar ka mid odayaasha beeshaas oo ku aadanaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubbaland Axmed Cabdirisaaq Maxamed (Handal), kaas oo ay sheegeen in ay ka raali galinayaan Wasiirka isla markaana aysan la qabin hadalkaasi gafka ah ee ka soo yeeray qaar ka mid ah beesha.
Odayaasha iyo wax garadka kale ee beeshaan oo kulan ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay Dowladda Jubbaland garab taagan yihiin isla markaana aysan aqbaleyn in loo gafo madaxda iyo dowladda, waxa kale oo ay intaasi ku dareen in la joogo xilligii laga shaqeyn lahaa midnimo iyo isu tanaasul dhinacyo badan leh oo aan loo baahneyn dhaleeceyn iyo in wax laga sheego madaxda, Wasiir Handalnna ay raalin buuxda ka siinayaan hadalkaasi ka soo yeeray qaar ka mid ah odayaasha iyo dhallin yarada beesha.
Ugu dambeyntii dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayeey sheegeen in ay u hayaan taageero buuxdo, ayna ka soo horjeedaan faragalinta ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka wado deegaanada Jubbaland oo uu horreeyo Gobolka Gedo.