Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland tababar muhiim ah oo loo qabtay dhaqaatiirta iyo qeybaha kale ee ka howl-gala ee bahada caafimaadka magaalada

26

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jubbaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa magaalada Kismaayo ka daah furay tababar muhiim ah oo loo qabtay dhaqaatiirta iyo qeybaha kale ee ka howl-gala ee bahada caafimaadka magaalada.

Tababarkan oo socon doona muddo saddex cisho ah, waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka iyo Ururka Dhaqaatiirta Jubbaland.

Ujeedada tababarka ayaa ah in la kordhiyo aqoonta dhaqaatiirta ka shaqeeya magaalada Kismaayo si ay ugu diyaar garoobaan bixinta caawinaad degdeg ah marka xaalado degdeg ahi soo baxaan, sida caawinta dadka dhaawacyada halista ah.

Furitaanka tababarka kadib, Wasiir Ismaaciil Axmed Garas ayaa khudbad ka jeediyay, wuxuuna kula dardaarmay dhaqaatiirta inay ka faa’iidaystaan fursadan qaaliga ah ee aqoontooda lagu kordhinayo, isla markaana ay si wanaagsan ugu adeegaan bulshadooda