Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland Garyaqaan Cabdishakuur Sheekh Maxamed Rashiid ayaa ka qeyb galay Munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen Xareed Killaas Cabdi oo loo magacaabay ku-simaha Agaasimaha guud ee hay’adda garsoorka Jubbaland iyo Cabdi cabdulaahi Raabi oo xilkaan hore u haayey balse loo wareejiyey Agaasimaha Guud Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland.
Munaasabaddaan xil wareejinta waxaa ka qayb Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad, Agaasimayaal iyo qaar ka mid ah bahda garsooka Jubbaland .