Wasaaradda warfaafinta Jubbaland oo Kismaayo ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan Xeerka Saxaafadda

37

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubaland ayaa magaalada Kismaayo kulan wadatashi ah uga furtay wariyeyaal ka kala tirsan warbaahinta dowliga ah iyo tan madaxa banaan, kaas oo lagu hormarinayo hindisaha xeerka qabyada ah ee Saxaafadda Jubaland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubaland, Mudane Abdifatah Mohamed Mukhtar, oo furay isu imaatinka, ayaa sheegay in nuqulkii koowaad ee Xeerka Saxaafadda ay Wasaaraddu dadaal weyn u gashay, iyadoo aan weli la meelayn tub-raacii (policy) ka horayn lahaa ee warbaahinta.

Sanadkii 2022 ayey ahayd markii Wasaaraddu ay Xeerkan horgeysay kulan ballaaran oo ay ka soo qayb galeen daneeyayaasha saxaafadda, kuwaas oo isugu jiray warbaahinta dawliga ah, wakiilada Ururka Warbaahinta Jubaland (JAJ), iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubaland.