Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo kulumo ka wada Doolow

24

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowladda Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Wasiirka amniga Jeneraal Yuusuf Xuseen Dhuumaal, Gudoomiyaha degmada Maxamed xuseen Cabdi Lafay iyo masuuliyiin kale ayaa wafdiga Madaxweyne ku xigeenka kusoo dhaweeyay degmada Doolow.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa inta uu ku sugan yahay gobolka kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta gobolka.