Wasiirada ka tirsan Dowladda Jubbaland oo Kulamo la Qaadatey Madaxda Safaaradda Switzerland, Warbixinna ka Siiyey Arrimaha Siyaasadeed ee Jubbaland”

25

Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Arrimaha Gudaha iyo Kallumeeysiga ee Dowladda Jubbaland, oo hawlo shaqo u jooga dalka Kenya, isla markaana maalmahan ka waday kulamo ay la qaadanayeen wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Nairobi, ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa Iskaashiga ee Safaaradda Switzerland iyo Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda.

 

Wasiiradu waxay Madaxda Safaaradda Switzerland warbixin ka siiyeen arrimaha Jubbaland, oo ay DFS dagaal sharci darro ah ku soo qaaday deegaano nabdoon, taasoo keeni karta xasilooni darro ku timaada Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya. Waxaana ay u xaqiijiyeen in Jubbaland ay mar walba diyaar u tahay in miiska wada-hadalka lagu xaliyo kala aragti duwanaanta siyaasadeed, taasoo laf-dhabar u ah geedi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

 

Sidoo kale, kulanka waxaa looga wada hadlay in aan la siyaasadeynin mashaariicda Beesha Caalamka ay ka taageeraan Soomaaliya iyo arrimaha bini’aadaminimada, horumarka, siyaasadda iyo amniga.

 

Ugu dambeyntii, Wasiiradu waxay uga mahadceliyeen Dowladda Switzerland taageerada ay la garab taagantahay Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland.