Wasiirka Maaliyadda Jubbaland oo Guddoomiye ka ahaa Madal Lagu Soo Bandhigay Gunaanadka Cilmi-baaris ku Saabsan Hagaajinta Maamulka Furdaaminta iyo Ganacsiga Xuduud Dhuleedka Soomaaliya iyo Kenya

30

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed (Handal), ayaa maanta guddoomiye ka ahaa madal lagu soo bandhigay gunaanadka cilmi-baaris lagu lafa-gurayay hagaajinta maamulka furdaaminta iyo ganacsiga xuduud dhuleedka Soomaaliya iyo Kenya.
Madasha waxaa goob-joog ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Jubaland, Wasiirka Hawlaha Guud, Guddoomiyaha Jubbada Dhexe, Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka ah, Agaasimayaasha Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Amniga iyo masuuliyiin kale.
Kulan oo ahaa soo-bandhigid gunaanadka daraasad lagu sameeyay isu-socodka ganacsiga, maamulka kastamka, amniga, dhaqaalaha, iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee xuduud dhuleedka labada dal, waxaa hogaaminaysay Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland, waxaana maal-galiyay Dowladda UK.
Daraasaddan ayaa timid ka dib heshiiska labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyay in xuduudka dib loo furo iyo ku biiristaanka Soomaaliya ee bulshada Bariga Afrika, si wasaaradu ugu diyaar garowdo kaalinteeda dhaqan-gelinta heshiisyadaas iyo horumarinta kastamada xuduudaha.
Ka-qaybgalayaasha ayaa talooyin ku biiriyay gunaanadka daraasadda ee la soo bandhigay, waxaana ka soo baxay qodobo wax ku ool ah si loo dhaqan-geliyo gunaanadka iyo talo-bixinta cilmi-baarista.