Dad weynaha Kismaayo oo dhigey banaanbax looga soo horjeedo colaada dowlada ay hurinayso

104

Dadweynaha magaalada Kismaayo ayaa maanta dhigay Banaanbax ballaran oo loga soo horjeedo colaada,qalalasaha amniga lidka ku ah ee dowladda Federaalka ay ka abuurayso qeybo ka mid ah dowladda jubbalnd.
Shacabka ku nool magalada kismaayo ayaa sheegay in marnaba aan loo dulqaadan Karin fargalinta dowladda Ferdaaralka ay ku hayso arrimaha dowladda Jubbaland.
Sidoo kale shacabka ayaa soo dhaweyey go,aanka Maxkamada Darajadda 1-aad ee Degmada Kismaayo ee Dowaladda Jubbaland ay soo saartay soo qabashada eedeysan Xassan Sheikh Maxamuud Culusow, Ina Suuban Sabriye Ahmed, ku dhashay Jalalaqsi.
Eedeysan Xassan Sheikh ayaa lagu eedeeyey Khiyaano Qaran, taageerid Argagixiso iyo cadow Soomaaliyeed waxaan shacabka ay kismaayo ay bogaadiyen amarka ay maxakamdu soo saartay .
Qaar ka mid ah shacabka ayaa ugu baaqay in dowladda federaalka ay in ay joojiso fargalinta qaawan.
Gudoomiyaha degmada kismaayo ayaa sheegay in shacabka magaalada ay mujiyeen dareenkooda iyo sida ay ugu farsaxan yihiin dowladdooda .