Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga horyimid tallaabadii ay qaadayeen xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo ansixiyey xeerka dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka dalka.
Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay shir saxaafadeed oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa su’aal ka keenay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, isagoo tilmaamay in aanay qeyb ka ahayn dowladaha Jubbaland, Puntland iyo maamulka ku meel gaarka ah ee SSC. Wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ku dhaqaaqday qorshayaal aan la tashi la sameyn dowlad goboleedyada, taasoo uu ku sheegay inay muujinayso ku xadgudubka hannaanka doorashooyinka dalka.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in shaqada baarlamaanka dalka ay noqotay mid la cuuryaamiyay, isaga oo ku eedeeyay in shuruucda hadda la meel-marinayo, gaar ahaan xeerka guddiga doorashooyinka, ay marayeen hannaan qaldan oo aan la raacin habraacyada sharciga ee saxda ah.
Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul u dhaliilay baarlamaanka hadda jira, isagoo ku tilmaamay mid ka liita baarlamaankii xukunkii milatariga.
Cabdishakuur ayaa eedeyn culus u jeediyay guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in qaadashada go’aanada sida ansixinta xeerka guddiga doorashooyinka ay tahay mid sharci darro ah.
Xildhibaanada ka socday dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inaysan qeyb ka ahayn ansixinta xeerka guddiga doorashooyinka, taasoo ay ku tilmaameen mid aan waafaqsaneyn heshiisyadii hore ee ay kala saxiixdeen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.