Madaxweynaha Dowladda Jubbaland oo qaabiley qaar kamid ah dhaqanka .

0
479

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa  Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane iyo Suldaan Faraah Suldaan Maxamed Suldaan Nageeye, oo ka mid ah salaadiinta dhaqanka ee Jubbaland.

Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah, iyadoo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam uu u muujiyay soo dhaweyn diirran iyo qadarin. Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane iyo Suldaan Faraah Suldaan Maxamed Suldaan Nageeye, oo ay kala socdaan mas’uuliyiin kale oo deegaanka ka tirsan, ayaa sidoo kale la wadaagay madaxweynaha xaaladaha ugu dambeeyay ee ka jira Jubbaland iyo qorshayaasha mustaqbalka ee horumarinta iyo xoojinta amniga, dhaqanka, iyo wadajirka bulshada.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay salaadiinta, isagoo muujiyay sida ay muhiim ugu tahay in la xoojiyo wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo dhaqanka si loo gaaro guulo waaweyn oo loogu adeegayo dadka Jubbaland.

Waxaa sidoo kale la isla gartay in la sii xoojiyo hawlaha nabadgelyada iyo midnimada bulshada Jubbaland.

Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane iyo Suldaan Faraah Suldaan Maxamed Suldaan Nageeye ayaa sidoo kale bogaadiyay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam dadaalka uu ugu jiro horumarinta iyo nabadgelyada Jubaland, isla markaana waxa ay ballanqaadeen in ay sii wadi doonaan taageeradooda iyo ka qayb qaadashada horumarka deegaanada Jubaland.

 

No insights to show

Boost a post
All reactions:

Sade Cabdi Tahalil, Radio Kismayo and 9 others