Kulan magaalada Kismaayo ay ku yeesheen odayaasha dhaqanka Jubbaland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay mowqifka dowladda jubaland ay ka qaatay arrimaha doorashooyinka iyo go,aanadii kasoo baxay shirkii aan loo dhameeyn golaha wadatashiga.
Odayaasha dhaqanka ayaa muujiyay in ay ka xun yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sida dowladda federaalka ay u jabisay dastuurkii ummada Soomaaliyeed ay ku heshiisay.
Odayaasha dhaqanka ayaa si cad u sheegay in tallaabooyinka qaar ee dowladda ay ka hor imaanayaan mabaa’diida dastuurka, taas oo khatar gelin karta midnimada dalka iyo wadjirka ummada Soomaaliyeed.
Sidoo kale Odayaasha ayaa caddeeyay in dowladda jubbaland ay xaq u leedahay ay qabsato doorashada taas oo ah sida uu qabo dastuurka labada heer.