
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Wang Yu, iyaga oo kawada hadlay arrima dhowr ah oo la xariira horumarinta Caasimadda iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac.
Kulankan oo goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa diirada lagu saaray arrima ay kamid yihiin, Dardargalinta mashaariicda lagu horumarinayo bilicda Caasimadda gaar ahaan Dhismaha Waddooyinka, dib u howlgalinta Bulaacadaha Biyamareenada ah, dhismaha Warshadaha wax soo saarka, Mataaneenta Magaalooyinka Muqdisho iyo Beijing.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Wang Yu ayaa isku afgartay in la dadajiyo fulinta qodobadii kulankan looga hadlay iyo in la hormariyo xariirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







