Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Iyo Horumarinta dhaqaalaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed (Handal) ayaa maanta furay sanad miisaniyadeedka cusub ee 2025-ka, kaas oo ay kasoo qayb galeen Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland.
Kulanka oo muhiimadiisu ahayd in wada tashi laga yeesho ayay si fiican uga doodeen Golaha Wakiilada Dowladda Jubaland, sidoo kale waxaa maalmaha soo socda laga qayb galin doonaa qaybaha kale ee bulshada si loo helo talooyin loo dhan yahay oo bulashada ka yimaada.
Shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa, dhowr iyo toban xubnood oo ka socday Golaha Wakiilada Dowladda Jubaland, Gudoomiyaha Gudiga Maaliyadda ee Golaha Wakiilada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada Dowladda Jubaland, mudane Nuur Cumar Shaale, Agaasimaha Waaxda miisaaniyadda Ee Wasaaaradda Maaliyadda Dowladda Jubaland iyo xubno kale.