Waxaa gaaray deegaanka Janaa Cabdalle (Birta Dheer) wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Jubbaland, Mudane Maxamed Nuur, oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Cali Faarax, agaasimaha Waaxda Xanaanada Xoolaha, Agaasimaha waaxda Hormarinta waxsoosaarka Xoolaha iyo madax ka socotay hay’adda Secours Islamique France (SIF) ee Jubbaland.
Safarkan oo muhiim u ahaa xaqiijinta xaaladda bulshada iyo xoolaha deegaanka Janaa Cabdalle, ayaa looga gol lahaa in la indho indheeyo xaaladaha nolosha dadka iyo in la siiyo caawinaad la xiriirta xoolaha.
Sidoo kale, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa hawlwadeennada deegaanka ku wareejisay dawooyinka xoolaha oo muhiim u ah daryeelkooda. Intaa waxaa dheer, wafti ka socda wasaaradda ayaa wacyigelin ka sameeyey deegaanka, gaar ahaan dadka xoolo dhaqatada ah ee xoolahoodu ay ka cabayaan ceelka Birta Dheer
Wacyigalintaas ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa adeega caafimaadka xoolaha si looga hortago cudurrada xoolaha.
Deegaankan oo muhiim ah dhanka xoolo dhaqashada ayaa laga doonaa adeegyada la xiriira caafimaadka xoolaha, Wafdiga ayaa sidoo kale qiimeyn ku sameeyay baahiyaha kale ee jira si loo diyaariyo qorshe ballaaran oo wax looga qabto caqabadaha taagan.
Safarka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ahaa tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dedaalada joogtada ah ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Jubbaland ay ku horumarinayso adeegyada bulshada ku tiirsan xoolo dhaqashada iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka.
Wasaaradda ayaa ugu danbayn Ari ku wareejisay Ciidanka Amaanka ee degaanka fadhigooda yahay Janaale si loo dhiirgaliyo.