Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo booqdey isbitaalka guud ee Khaliil ee dagmada Baladxaawo.

140
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada dowladda Jubbaland mudane Abshir Maxamed Cabdi ayaa booqday isbitaalka guud ee Khaliil ee dagmada Baladxaawo.
Wasiirka oo ay booqashadan ku wehlinayeen Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada dagmada Baladxawo Cabdifatax Nuur Mataan ayaa waxa ay kormeer kusoo mareen isbitaalka guud ee dagmada ee khaliil hospital iyo sidoo kale xarumaha hooyada iyo dhalanka ee dagmada baladxawo.
ujeedka Kormeerkan ayaa ahaa mid loogu kuur galayay tayada adeeyada cafimadka iyo baahiyaha guud ee ka jira dagmada, iyagoona warbixino ka dhagaystay maamulka isbitaalka Guud iyo xarumaha hooyada iyo dhalanka ee Dagmada.