Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlada Jubbaland oo kullan la qaatey ganacsato dalka china kasoo jeeda .

131
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlada Jubbaland Mudane Maxamud Sayid Aadan oo uu Wehliyo Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska-Jubaland Mudane Abdifatah Mohamed Mukhtar iyo Wasiirka Wasaarada Kuluumaysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga Jubbaland mudane Axmed Hassan iyo lataliye xafiiska Reysul wasaaraha Somaaliya ayaa magaalada Nairobi waxay kulan kula qaateen Company laga leeyahay dalka china oo ka shaqeeyo East Africa.
Intii uu shirka socday waxa ay soo bandhigeen shirkada China ee dhismaha ka shaqeyso waxqabadkoodii ee ay ka qabteen East Africa, sidoo kale waxaa laga wada hadlay sida ay qayb ugu noqon lahaayeen Dhismaha Kabayaasha dhaqaalaha Jubaland, gaar ahaan dib udhiska Kaabayaasha Gobolka Gedo. Ugu dambayn, shirka ayaa kusoo dhamaaday isfaham.