Maamulka degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa soo dhaweyay wafti agaasimayaal Guud ah oo ka kala socda 19 Wasaaradood dowladda Jubbaland

165
Maamulka degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa soo dhaweyay wafti agaasimayaal Guud ah oo ka kala socda 19 Wasaaradood oo dowladda Jubbaland ah.
Degmada Doolow ayaa waxaa ka furmi doona shirka kulanka agaasimayaasha Guud ee wasaraadaha dowladda Jubbaland oo ay soo qaban-qabisay wasaaradda qorsheynta Jubbaland.
Gudoomiyaha Doolow Maxamed Xuseen oo casumada siyay agaasimayaasha ayaa ku bogaadiyay howlaha kor uqaadida Hanaanka Dowlada lagu xoojinayo adeega Dowladnimada si loogu dhaweeyo Bulshada deegaanka.