
Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabsoomay shir ay soo aggaasintay Dowladda Federaalka Somalia, Machadka Tokiyo ee Horumarinta iyo Bankiga Adduunka, kaas oo looga hadlayo dib u dhiska iyo horumarinta magaalooyinka waa weyn ee dalka, sida Muqdisho, Baydhabo, Garowe, Dhuusamareeb, Baladweyne iyo Kismaayo.
Shirkan oo socon doono muda 4-cisho ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyada oo diiradda lagu saari doona arrimo ay kamid yihiin Maamul wanaagga , adeegga aas, aasiga ah ee bulshada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha sida Wadooyinka, Buundooyinka iyo Bulaacadaha, waxaana fulinta howshan mas’uuliyadeeda leh Mashruuca SURPII ( Nagaad) kaas oo wadajir ah uga socdo magaalooyinka dalka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







