Duqa Degmada Kismaayo oo Muqdisho kulan kula qaatey masuuliyiin ka tirsan dowlada Somaaliya

168

Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa Caasimadda Muqdisho kulan is xog wareysi ah kula yeeshay masuuliyiin ay ka mid yihiin; Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh, Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud iyo Guriyeynta XFS mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan Golaha Shakabka JFS.

Gudoomiye Cumar Faraweyne ayaa masuuliyiinta warbixin ka siiyey xaaladda guud ee Magaalada Kismaayo iyo Mashaariicda Horumarineed ee ka socda, Waxaana la isku raacay in laga wada shaqeeyo horumarinta Kismaayada cusub.