Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Dowladda Jubbaland oo kulan la qaatay Madaxa cusub ee Iskaashiga Horumarka Safaaradda Jarmalka

180
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdirahman Cabdi Axmed oo ay wehelinayaan La-taliyaha Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ee Arrimaha Siyaasadda iyo Horumarinta Mudane Maxamed Cabdullahi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta mudane Maxamed-weli Cali ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa cusub ee Iskaashiga Horumarka Safaaradda Jarmalka Mr. Simon Hagemann iyo Wakiilka Hay’adda GIZ u qaabilsan Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga wada-hadlay balaadhinta iyo dardargelinta Iskaashiga Dowladda Jarmalka iyo Jubbaland ee dhinacyada Horumarinta Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Dhisidda iyo Tayenta Hay’adaha Dowladda.