
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdirahman Cabdi Axmed oo ay wehelinayaan La-taliyaha Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ee Arrimaha Siyaasadda iyo Horumarinta Mudane Maxamed Cabdullahi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta mudane Maxamed-weli Cali ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa cusub ee Iskaashiga Horumarka Safaaradda Jarmalka Mr. Simon Hagemann iyo Wakiilka Hay’adda GIZ u qaabilsan Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga wada-hadlay balaadhinta iyo dardargelinta Iskaashiga Dowladda Jarmalka iyo Jubbaland ee dhinacyada Horumarinta Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Dhisidda iyo Tayenta Hay’adaha Dowladda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







