Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha rayidka ee Jubbaland mudane Siyaad Ibraahim Maxamed oo ay weheliyaan xubno gudiga kamida ayaa saaka xilalka u kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Haweenka Idriis Xassan Maxamed iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska Miski Yuusuf Cali.
Munaasabadda xilwareejinta waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Dowladda Jubbaland marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi, Agaasimayaal, iyo shaqaalaha Wasaaradda Haweenka.