Xarunta Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland ayaa manta lagu qabtay kulan dood wadag ah oo ay yeesheen Golaha Wakiilada

132
Xarunta Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland ayaa manta lagu qabtay kulan dood wadag ah oo ay yeesheen Golaha Wakiilada kaas oo looga hadlayay Hindiso sharciyeedka iyo meel marinta Gudniinka Fircooniga ah.
Kulankan waxaa goob jog ahaa Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland mudane Cabdi Baaleey Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arimha Qoyska, Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakilada, xubno kasocday Wasaaradda Haweenka oo sharciyadan soo diyaarisay iyo xubno kale oo muhiim ah.
Kulamadan ku saabsan ka doodista hidise sharciyeedka iyo meel marinta Gudniinka Fircooniga ah ayaa ahaa kuwo soo socday waayadii dambe kuwaas oo xoogga lagu saarayay sidii iskaashi dhinacyo badan leh looga sameen lahaa arimaha la xiriira caqabadaha iyo saameynta uu hablaha ku hayo Gudniinka Fircooniga.