Madaxwaynaha dowladda Jubaland oo daahfuray ololaha Talaalka caruurtii,

206
Madaxwaynaha dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam maanta daahfuray ololaha Talaalka caruurtii aan helin dhamaystiraka Talalka joogtada ah sanadahii lasoo dhaafay.
Ololahan cusub ayaa ujeedkiisu tahay kor u qaadista tirada caruurta ka yar shanta sano ee loo dhamaystiray Talaalka joogtada ah ee lagaga hortagayo xanuunada ku dhaca caruurta.
Daahfurka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ismaciil Garas, howlwadeennada Wasaaradda iyo hay’adaha bahwadaagta la ah oo ay kamid yihiin hay’ada Cafimaadka Aduunka ee (WHO) iyo hay’ada caruurta aduunka ee (UNICEF).