Taliyaha CXD Ibraahim Sheekh Muxudiin oo haweenka Soomaaliyeed ku bogadiyaay Dorka ay ka qatan Dabar goynta Khawaarijta,

0
597
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jenaraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kala wareegay Xarunta ololaha Hooyo u hiili qaranka raashin lagu garab istaagayo ciidamada dagaalka kula jira Khawaarijta.
 
Taliyaha ayaa bogaadiyay dadaalka ay haweenka Soomaaliyeed ku taageerayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyo kaalamada joogtada ah ay u fidinayaan Ciidamada Qaranka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.
 
Jenaraal Ibraahim ayaa intaan ku daray: “Waxaan uga mahadcelineynaa haweenka Soomaaliyeed taageerada iyo garab istaagga ay u muujiyeen CXD, waxa ay u hiiliyeen dalka iyo dadkaba.”
 
Taliyaha ayaa sidoo kale ku booriyay ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada in ay garab istaagaan haweenka Soomaaliyeed si ay uga shaqeeyaan danta guud.