Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland oo kullan waxbarasho Muqdisho kaga qayb galay

199
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland mudane Mukhtaar Kaamil ayaa magaalada Muqdisho uga qayb galay munaasabad lagu Soo bandhigahay guulihii Laga gaadhay Waxbarashada Aasasiga ah iyo Waxbaridda Ardayda ka daahday Xiligii Waxbarashada
Munaasabadan ayaa sidoo kale farxada lagula wadaagayay kumanaan Arday ah oo baratay Xirfadaha Qorista/akhriska Xisaabadka iyo farsamada gacanta taasoo awood u siinaysa inay qayb kanoqdaan horumarka dhaqaalaha dalka
barnaamijkan ayaana kasocday guud ahaan Gobolada dalka.
Waxaa sidoo kale manaasabada goob jooga ahaa masuuliyiin heer federal iyo heer Dawlad goboled ah iyo xubno ka socday safaaradaha Mareykanka iyo Engiriiska.