Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ka daah-furay Shirka wadahadlka ee arimaha u adeegidda bulshada ee degmada Afmadow iyo degmooyinka kale Jubbaland.
Shirkan waxaa kaso qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Gudoomiyaha degmada Afmadow, Maareeyaha Wakaaladda Biyaaha Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.