Gudoomiye kuxigeenka degmada Kismaayo oo kulan la qaatay Gudoomiyaasha Xaafadaha degmada Kismaayo

185
Gudoomiye kuxigeenka degmada Kismaayo ahna xoghayaha Dowladda hoose oo uu weheliyo Gudoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada degmada Kismaayo iyo Agaasimaha waaxda Arimaha Bulshada ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaasha Xaafadaha degmada Kismaayo iyo Gudoomiye waaxeedyada xaafadaha.
Kulankan ayaa looga hadlayay dardargalinta iyo xoojinta nadaafadda degmada Kismaayo iyo sidii maamulka xaafadaha degmada Kismaayo ay bulshada ugu wacyi galin lahaayeen ilaalinta nadaafadda iyo xoojinta arimaha amniga.