Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galaya Shirweynaha Xoojinta Iskaashiga Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

189
Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo biiray Shirweynaha Xoojinta Iskaashiga Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaasi oo soconaya muddo labo maalmood ah.
Shirkaan waxaa sidoo kale ka qaybgalaya wasiirro ka tirsan xukuumadda, Safiirro, qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaha dalka, mas’uuliyiin iyo aqoonyahanno ka socda Bariga Afrika iyo caalamka.