
Afar horjooge oo ka tirsan malleeshiyaadka khawaarijta Al-shabaab oo isu soo dhiibay ciidamada geesiyada Jubbaland ee ku sugan deegaanka Buulo-xaaji.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada ku sugan deegaanka Buulo-Xaaji waxaa isa soo dhiibay afar kamid ah horjoogayaashi Argagixisada u qaabilsanaa deegaanka Buulo-Xaaji iyo tuulooyinka ku hareereesan.
Horjoogayaashaan isa soo dhiibay ayaa u qaabilsanaa Argagixisada qeybta maaliyadda, Madaxa isdoonka deegaanka, iyo waxa ay ugu yeeraan sakawaadka horjoogaha afaraad ayaa ahaa guddoomiyihii ama waxa ay u yaqaanaan amiirka Buulo-xaaji.
Sido kale dadka deegaanka Buulo-Xaaji iyo deegaanada kale ee u dhow ayaa saacadihii lasoo dhaafay helay adeegga Internetka kadib dadaal badan ay Dowladda ku bixisay sidii adeegyada aasaasiga ah ay bulshada laga xoreeyay Argagixisada u heli lahaayeen.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







