
Guddoomiyaha degmada Afmadow Mohamed Cabdullahi Cusman iyo kuxigeenkiisa Dalmar Caagane oo uu weheliyo Isu-duwaha Waxbarashada degmada Bashir Nasir Faarax ayaa saaka daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 8-aad ee Wasaaradda Waxbarasha Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland, kaas oo ay u fariisteen in ka badan 70 arday.
Masuuliyiintan ayaa Ardayda u soo jeediyay talooyiin iyo kalmado dhiirigalin ah, waxayna u rajeeyeen natiijo wanaagsan iyagoona kula daardaarmay in ay ka soo muuqdaan kaalmaha hore ee imtixaanka.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







