Hogaamiyeyaasha Reer Galbeed oo soo saaray bayaan ay kula safteen Sra’el

376

Hogaamiyeyaasha Ingiriiska, Maraykanka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Jarmalka ayaa hadda soo saaray bayaan ay ku muujinayaan ” cambaarayn aan leexleexad lahayn oo ka dhan ah Xamaas iyo falalkeeda argagaxisada ah” sida ay hadalka u dhigeen.

Bayaanka wadajirka ah ayaa yimid ka dib markii ay wada hadleen Madaxweyne Macron, Scholz, Meloni, Sunak iyo Madaxweyne Biden.“

Falalka argagixisanimo ee Xamaas ma laha wax cudurdaar ah, sharcina ma leh, waana in si caalami ah loo cambaareeyaa,” ayaa lagu yiri bayaanka