Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland oo kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xassan

211
Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada mudane Cabdullaahi Dubad Shiil, Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo Cabdirisaaq Aadan Inshaar iyo Talyaha Amniga Garoonka ayaa saaka kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xassan uu ka koobanyahay.
Maamulka Garoonka ayaa Madaxweyne kuxigeenka labaad iyo Wasiirka Wasaaradda sharaxaad ka siiyay habsami usocodka howlaha shaqo ee kasocda Garoonka iyo mashaariic muhiim ah oo kala duwan oo qaarkood ay gabogabo yihiin oo si heer sare ah uga socda gudaha Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland iyo masuuliyiintii kale ee wehelisay goobaha ay kormeerka ku sameeyeen intii ay Garoonka booqanayeen waxaa kamid ah qeybta nasiiada Garoonka ee loo yaqaano (VIP) oo uu kasocdo dhismo islamarkaana la doonayo in dhawaan lasoo gabagabeeyo kaas oo door weyn ka qaadanaya bilicda Garoonka