๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญay ๐ฐ๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐”๐๐ˆ๐‚๐„๐… ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

0
682

-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soonaaliya Xill Dr. Mohamed Hassan Mohamed ayaa kulan la qaatay wakiilka UNICEF ee Soomaaliya Wafaa Said.

Labada masโ€™uul ayaa ka wada hadley hadlay Isbedalada horumarinta Caafimaadka ee hadda socda iyo siyaabaha loo horumarin karo daryeelka Caafimaadka ee mudnaanta u leh dadka nugul, oo ay ku jiraan Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Heyโ€™adda UNICEF waxa ay bah-dawaag kuyihiin islamarkaana ay iska kaashadaaan in shacabka Soomaaliyeed ay helaan daryeel Caafimaad loo dhanyahay.