Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb galay shirwaynaha 5-aad ee madasha Baarlamaannada Qudus.
Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa caalamka ugu baaqay in si deg deg ah loogu gurmado shacabka Falastiin oo wajahaya xaalado bini’aadannimo oo ay sababeen duqaymaha iyo go’doominta magaalada Qasa ay ku hayaan Israa’iil