-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daahfuray kulanka geeddi socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-heshiin Qaran
Kulanka ayaa diiradda lagu saarayo lix tiir oo ay saldhig u tahay sidii ummadda Soomaaliyeed si dhab ah uga heshiin lahaayeen dhibaatooyinkii la soo maray.
Kulankan oo uu heerkiisu sarreeyo waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali – Xoosh, wasiirrada Federaalka, Madaxda dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo bulshada qeybaheeda.