Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta kulan gaar ah oo looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada la qaatay Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel David Haskell.
Taliye ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan Howlgallada gaarka ah waxuu Kala hadlay in ay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga xureenayo kooxaha Argagixisada ah. Waxuuna sheegay in dhawaan ay si wadajir ah ay u bilaaban doonaan dagaalka dalka looga xureenayo cadawga umadda Soomaaliyeed ragaadiyay.
Taliska Mareykanka ee Soomaaliya u jooga fulinta Howlgallada gaarka ah ayaa balan-qaaday inay diyaar u yihiin qorshaha Howlgalka ay u joogaan Soomaaliya.
+2
All reactions:
94