Qaar kamid ah labada gole ee K/Galbeed oo beydhabo ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Hey’adda SODMA

213

Masuuliyiin ka kala tirsan labada gole ee Maamulka Dowlad Goboleedka K/Galbeed ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Magaalada Beydhabo ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Hey’adda SODMA Md. Maxamuud Macallim Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminaayo

Guddoomiyaha Hey’adda ayaa la sheegay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay u kuurgalidsa iyo indha-indheynta xalaadaha dadka danyarta ah madaama la gudagalay xilligii roobkii gu’ga .

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa lagu wadaa in uu goobjoog ka ahaado qeybinta gargaarka SODMA ay gaarsiineyo dadka danyarta ee u nugu, kuwaas oo hore ay saameyn ugu yeesheen xaladihii El-Niño ee sannadkii hore.

Dhinaca kale,Guddoomiye Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan gaar ah la qaatay wasiirka Gargaarka maamulka Koonfur Cabdinaasir Cabdi Caruush, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha cabsida laga qabo ee biyo mareenada ah.

Maalinimada burrito ah ayaa la filayaa in magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba dadka ku nool,gaar ahaan kuwa danyarta ah la gaarsiiyo gargaar biniaadanimo oo wax ka tara dhibicda roobka iyo cadceedda qorraxda .