Dhageyso: Garoonka diyaaradaha ee garbahaarey oo sanad kadib maanta dib uhawl bilaabay.

307

Iyadoo mudooyinkii dambe uu Garoonka Diyaaradaha ee garbahaarey ahaa mid hawl gab ah ayaa waxaa maanta gagidda diyaaradaha garbahaarey ka dagtay sanad kadib diyaaradii ugu horaysay ee duulimaad toos ah kasoo qaaday magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Maareyaha garoonka diyaaradaha garbahaarey Cabdirisaaq cumar sheekh ismaaciil oo lahadlay radio kismaayo codka Jubbaland ayaa sababta uu garoonka uxirnaa kusheegay inay tahay ballaarin iyo dayactir lagu waday garoonka, waxaana uu xaqiijiyay in lagu guulaystay dib udayactirka lagu sameeyay garoonka isagoona umahadceliyay masuul katirsan Jubbaland.

Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay inay haatan wadaan qorshe kale oo duulimaadyada deegaanada Jubbaland ay toos isaga kala gooshi karaan duulimaadyada taas oo qayb ka ah qorshaha hormarinta adeegyadda dawladda ee gaarsiinta bulshada iyada oo sahli doonta inay si dhib la’aan duulimaadyada ay si toos ah isaga kala gooshaan..

Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Jubbaland ayaa iyada oo kaa  shanaysa haay’adaha bahwadaagta la ah waxa ay wadaa qorshe ballaaran oo lagu hormarinayo adeegyada duulimaad ee Jubbaland