Dhageyso: Maamulka Degmada Kismaayo oo awaamiir culus soo saarey

275

Maamulka degmada kismaayo oo awaamiir culus kasoo saaray dhismayaasha sharci darrada Ee laga dhisay Hareeraha Wadooyinka.

Gudoomiyaha degmada kismaayo cumar cabdullaahi[faraweyne] oo la hadlayay gudoomiyaasha xaafadaha kismaayo iyo guddi hoosaadka xaafadaha ayaa sheegay in maamulka degmada waddo qorshe ballaaran oo lagu hormarinayo wadooyinka iyo dhismayaal hor leh oo kusoo biirayo magaalada kuwaas oo qayb ka noqon doono billic soo cellinta magaalada.

Waxa uu ku dheeraaday ahmiyadda maamulka ka leeyahay bur-burinta dhismayaasha sharci darradda iyo halka uu ka Eegay maamulka waxaana uu soo saaray go’aamo kale ooh or leh iyo wadooyin kale oo ay ka dhisan yihiin dhismayaal ka baxsan sharciga oo dhawaan lagu bilaabi doono bur-burin

Cumar cabdullaahi faraweyne maayarka degmada kismaayo ayaa sidoo kale ka hadlay caqabaddo badan oo ka dhashay bilaabidda dhismayaasha hore Ee dhawaan dhismahooda lasoo gaba-gabeeyay iyo kuwa hadda dhismahooda socdaDhawaan waxaa labilaabi doonaa dhismayaal kale ooh or si magaalada ula jaanqaado magaalooyinka kale taas oo qayb ka ah qorshaha Hormarinta kismaayada cusub, waxaa tani ay qayb weyn ka qaadan doontaa billic soo celinta magaalada iyadoo la kaashanayo haayadaha deeq bixiyaasha caalamka.