Dowlada Jubbaland oo Gargaar u direeysa Gobolka Gedo iyo Deegaano Kale.

224

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gargaarka Jubbaland iyo Maareynta Musiibooyiinka Jubbaland Maxamed Cismaan Jaamac oo Muqdisho ku sugan ayaa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA waxaa uu kala wareegay Shixnad gargaar ah oo gaaraysa 4,000 oo tan oo loo soo daabulayo Deegaannada Dowladda Jubbaland, waxana doonida sidda gargaarkaan lagu wadaa in ay ku soo xirato Dakedda weyn ee Magaalada Kismaayo.

Gargaarkaan oo Dakadda Muqdisho uu ka sagootiyey Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka dowladda Jubbaland Maxamed Cismaan Jaamac iyo Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA Sahra Cali Yuusuf.

Gargaarkaan ayaa hore waxaa dalkeena ugu deeqay Dowladdaha Ruushka iyo Sacuudiga, waxaana hay’adda mar walba ka go’an caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed meel walba oo ay dalka ka jogaan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka Jubbaland ayaa ballanqaaday in Gargaarkaan dadkii mudnaa ay gaarsiin donaan.