Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo dhageysatay kiiska eedeeysane loo heysto in uu xiriir la sameeyey kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.

212

Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Jubblanad ayaa maanta u fariisatay Gar maqalka eedeeysane Cabdi Maxamed Macow oo ah 49 sano jir, ku eedeeysan xiriir uu la sameeyay kooxda Khwaarijta ah ee Al-shabaab waxaana gacanta lagu soo dhigay 1 bishaii Janaayo ee sanadkaan 2024ka sida uu sheegay Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada Jubblanad oo fadhiga maxkamadda furay, Waxa uuna weydiiyay eedaysanaha dhowr su’aal oo ku saabsan eedaha loo jeediayay.

Baaraha kiiska dacwada lagu soo oogay eedeeysane Cabdi Maxamed ayaa maxkamada ka hor aqriyay eedeeymaha loo heysto.

Dhanka kale Xafiiska xeer ilaalinta Jubblanad ayaa maxkamada ka hor jeediayay kiiska eedeeymaha loo heysto Cabdi Maxamed Macow iyo marxaladaha uu soo maray

Qareen Cali Cabdulaahi Mubaarak oo difaacayay eedeeysanaha ayaa waxa uu sheegay in eedeemaha xeer ilaalinta ay u jeedisay Cabdi Maxamed uu is qilaaf san yahay.

Eedeysane Cabdi Maxamed Macow oo ay maxkamada su’aalo la xiriira eedaha loo jeediayay weydiisay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay sida ay wax u dhaceen.

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada Jubblanad ayaa ugu danbeentii soo xiray kiiska gar maqalka 1aad ee Cabdi Maxamed Macaw.