Xoghayaha Guud Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa ka qayb galay kulanka Xoghayayaasha Baarlaamaannada Adduunka oo ka furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Kulankan oo ah kulan doceed barbar socda shirka 148-aad ee Baarlamaannada Adduunka “Inter-Parlaimentary Union” ayaa lagu wadaagay howlaha Baarlamaannada, shaqaalaha, horumarinta maamul wanaagga golayaasha, caqabadaha jira iyo doorka wax ka qabasho ee Baarlamaannadu ku leeyihiin xaaladaha isbedelka cimilada Adduunka.