
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, taas oo ku saleysan qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee casriyeynta dowladnimada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradaha wax-soo-saarka looga fadhiyo sidii ay dalka u gaarsiin lahaayeen isku filnaansho dhaqaale, isaga oo kula dardaarmay in ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow, si wadajir loogu xaqiijiyo hadafka Xukuumadda ee la xiriira isku-filnaansho dhaqaale oo ay Soomaaliya gaarto.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira, barnaamijka istiraatijiyadeed ee Bangiga horumarinta Afrika iyo qorshaha isbeddelka Qaranka iyo Labs’ka Wasaaradaha wax-soo-saara dalka.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







