Taliye Hurdaaye “Amarka Taliyaha ciidanka xoogga na siiyay waa inaan gacanta ku dhigno Galcad iyo deegaano kale oo muhiim ah”

255
Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ilaalo Qaranka ee xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay u diyaarsan yihiin howlgal ay ku qaadaan deegaannada fara ku tiriska ay ku harsan yihiin kooxda Khawaarijta Al-shabaab gaar ahaan Galcad oo uu taliyaha ciidamada xoogga dalka amar ku bixiyay in si deg deg ah gacanta Dowladda dib loogu soo celiyo.
Taliye Hurdaaye oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa guutada 19-aad ee Gumac ee ” Ilaalo Qaran”, kuna sugan deegaanka Daaru-Nimco ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in taliyaha ciisamada xoogga dalka uu amar ku siiyay in ay  gacanta ku dhigaan Galcad iyo deegaano kale oo muhiim ah.
” Maanta waxaa halkan Daaru-Nimco noogu yimid oo nagu soo booqday taliyaha ciidamada xoogga dalka, annagoo ah guutada 19-aad ee gumac ” Ilaalo Qaran”, Bi’idni-laahi Kariim, waajibka uu nasiiyay taliyaheenna waxaa ka mid ah inaan cadowga ka saaro meelaha nagu dhow dhow sida Galcad, Runig-Good, ilaa iyo agagaarkeeda meelaha ay degan yihiin oo cadowga ku dhuumaaleysanayaan inaan ka saarno, Inshallahu waajidbaadku uu taliyaheennu na siiyayna waa fulineynaa inagoo kaashaneyno Xooggaga dadweynaha ee deriska nala ah,” ayuu yiri taliye Hurdaaye.

Taliye Hurdaaye oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in awoodda cadowga wiiqantay,islamarkaana ciidamada xoogga dalka gacanta ku dhigi doonaan dhammaan deegaannada ay ku harsan yihiin Khawaarijta.

”Howlgalka boqolkiiba boqol aad ayaa ugu diyaarsan nahay, si wanaagsan ayaana cadowga gacanta u saari doonaa insha-Allaahu,shacabka waxaan ugu baaqayaa in ay cadowga nagala kaalmeeyaan sidii aan xogtooda u heli lahayn iyagana uga dulqaadno dulmiga iyo duliga ay ku hayaan,”.

Argagixisada dhowr jaho ayaa weerar uga bilaawday waxaana la gaaray xilligii ay dabar Go’ayeen.